Ganacisiga iyo Doorka Maal-galintu/Investment ku ka ciyaarto

investGanacsigu Waa Maxay?

Ganacisga ama Waxa luuqada englishka lagu yidhaahdo Business waa is dhaafsasho laba qiime, amaba laba shay, waxaad aragtay markasta oo wax aad iibsanayso waxaad bixisaa lacag waxna waad soo qadataa kale oo ah waxa aad iibsatay. Dhan kale hadii laga eego waxa ganacsiga lagu qeexi karaa dhaq dhaqaaq kasta oo ujeedadiisu tahay in laga heli faa’iido (profit).

Ganacsiga iyo Maal-Galinta Investment.

Maal-Galintu/Investment: Waa Lacagta la galiyo ganacsiga taaso oo marka hore lagu sii bixiyo, si hadhoow loo helo lacagtaas la la sii galiyay ganacsiga iyo waliba mida faa’iidada ah

Maal-Galintu/Investment: waa kelmad aad ugu xidhan macno ahaan maamulka ganacsiga, Maaliyada iyo waliba Dhaqaalaha.

Maal-Galintu/Investment: Waa doorashada uu qofku u doorto in uu qaato khatar kasta oo ku imanaysa lacagtiisa uu kaydsan ama saving ka u ah in uu ku kharash gareeyo isagoo rajaynaya in uu wax ka helo ama lacagtiisa kor u qaado.

Tusaale ahaan ganacsi kastaa waxa uu soo iibsadaa Hanti ama alaabo iyo qalab isagoo ku kharash garaynaya lacag u taala baanka isla markaana rajaynaya in uu ka helo mustaqbalka faaiido ka timaada.

Noocyada Maal-galinta/Types of Investments

Kelmada Maal-Galintu/Investment: Siyaabo kala duwan ayaa loogu isicmalaa Dhaqaalaha(Economics) iyo Maaliyada(Finance). .

Dhaqaalayahanadu wax ay u yaqananan Maal galinta dhabta ah(real Investment) Sida (Mashiinada iyo Guryaha).
Halka Maliyada ama Finance ka dhexdiisa loo yaqano Financial Asset, Sida lacag la dhigay baanka ama suuqa taas oo loo isicmaalayo in lagu soo iibsado Real Asset.

Somalida Iyo Maal Galinta Ganacsiyada

Ganacsiga sidiisaba Lacagbaa lacag lagu hela. Waa hala la yidha Give and Take, ilaa aad lacag bixiso ood ku bixiso maal-galin ma heshid faa’iido,

Tusaale ahaan:

Mr A waxa uu haystaa lacag dhan 200,000 $, Mr B waxa uu haystaa lacag dhan isna 200,000 $, Midkasta waxa uu alaab ka soo dajiyay wadanka chine 20-04-08, Mr A waxa uu soo dajiyay Alaabo dhan 150,000 $, Halka Mr B uu soo dajiyay alaab dhan 50,000 $, Hadii 31-kii bisha may ee 2008 ka mid kasta uu badeecadii uu dhameeyay, Midkastana helay faaiido dhan 30% ah iibka.

Gunta iyo gaba gabada waxaan uga socda Gancasigu sidiisaba waa (take the Risk) khatarta oo aad u badheedho. ka bacdi ayaad faa’iido heli karta, taa macnaheedu wuxuu yahay hadii aad investment aad samayn waydo adigoo baqanaya, ogoow waliga faaiido heli maysid.

Somalida Iyo gancsiga

Somalida inteeda badan waxa ka lunsanhab gacansiyeedka, iyada oo ayna jirin hab xisaabeed ay maraan marka laga tago tii hore ee ahayd laba laba u gee, mid kale iyada oo ayna jirin business planning ee ay tahay Hebel waxaasuu ka faa’iiday ee inaguna waxa waa in aynu ka gacansana, iyo mida kale ee jirta oo ah iyadoo ayna jirin sadalin ama business forecast taasoo wax wayn ka tarta mustaqbalka gacansiga iyadoo aad ula xidhiidha deegaanka, iyo cimilada hadaba is bedelka xiliyada oo gacansigu ku xidhanyahay

Tusaale ah deegaanka

Nin ayaa soo dajiyay murayadaha wax akhriska meel aan waxba lagu dhiganba, taasi waa qalad, deegan kasta waxa lagu isicmala wixii uu u banyahay

Tusaale ah Cimilada iyo Wakhtiga

Nin ayaa soo dajiyay koodhadhkii dhaxanta wakhtig kulayla ah . Ma umalaynaysaa in ay socon doonto.

taa waxaan uga socda gacansigu waxa uu ku xidhanyahay qodobo badan oo aan la koobi karin si loogu guulayso gacansiga umada somaliyeed waxa aan kula talin lahaa in ay ka fiirsadan waxkasta oo gacansigu u bahanyahay. ee ayna ahayn laba laba u gee.

/