Aasaaska Wadaniyada

12226785_10208143644208614_1361448636_nAasaaska Wadaniyada

Wadaniyada

1.1 Macnaha guud ee wadaniyada

Wadaniyad sideedaba waxa wax ka yidhi dad badan oo loo tuhmay aqoon iyo waayo aragnimo dheer
Siyaabo kala duwana u macneeyay. Hadaan soo qaato in ka mid ah, waxa lagu sheegay inay tahay barashada cilmi bulsho kaas oo la baranayo gaar ahaan xaquuqda uu leeyahay inuu helo (rights) iyo masuuliyada (responsibility) qofka muwaadinka ah.
Macnaha labaad ayaa isna ah barashada iyo ku dhaqan ka xoriyada bulshada, sharciga dalka, iyo sida hab dhaqanka muwaadinka kalidiis uu saamayn ugu leeyahay arimaha caamka ah iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.
ugu dambayntii waa iyadoo la barto lana fahmo hay adaha siyaasadeed ee dalka, sida kuwa sharciga dajiya, kuwa fuliya iyo ururada siyaasada iyo shaqadoodu waxay tahay.

Guud ahaan waxaan intaa ka fahmaynaa inay tahay in la barto xaqaad dalkaaga ku leedahay iyo waajibka adi ku saaran inaad barato.

Ujeedada guud ee barashada wadaniyada

Ujeedada guud waa sidiiloo abuuri lahaa muwaadin saxa oo ka siman xaqa uu u leeyahay ka qayb noqoshada arimaha bulshada, siyaasada, dhaqanka dhaqaalaha, ee bulshada dhexdeeda. Taasoo macneheedu yahay inaan la helin muwaadin dan caama khalda, ama dan guud aan u lahayn awood uu kaga qayb qaato.
In la abuuro oo muwaadin kastaa dareemo masuuliyada saaran gaar ahaantii, tani waxay inoo sahlaysaa in muwaadinku dareemo inuu tartan u gali karo wax kastoo uu ku hamiyo kana midho dhalin karo hadii uu u dadaalo, laakiin aanay carqalad ku noqon aqoon dari isaga ka haysata xaqiisa iyo masuuliyadiisa gaar ahaaneed.
In la abuuro habkii ama sidii loo yarayn lahaa muran ka siyaasadeed ama dhaqan amaba se dhaqaale ee bulshada ka dhex abuurma taasoo ay sabab badanaa u tahay aqoon darida inaga haysata wadaniyada saxda ah. Arin aad wax ka qorto ama afkaa ka soo baxa oo ku aadan ayaa laga yaabaa inuu dalkaaga dhaawacayo waana ta badanaa dhacda.

Ujeedada gaar ahaaneed ee barashada wadaniyada

Ujeedada gaar ka ee aan ka leeyahay waa sidii aan dadkeena u bari lahayn qiimaha iyo mabaadi,da muwaadinimada iyo barashadeeda. Tani waxay abuuraysaa oo ay inaga caawinaysaa in sidii loo heli lahaa qof jira, ama qof masuuliyadiisa gaar ahaaneed yaqaan, iyo sidii loo abuuri lahaa muwaadinka raba inuu ka qayb qaato hawl qaran xirfadda uu u adeegsanayo ka qayb qaadashadeeda, tan waxaa loo adeegsan karaa oo ay faa iido inooga tahay in muwaadinku uu awoodo sidii uu u maamuli lahaa hawsha uu qaranka u hayo ugana daacad noqon lahaa shaqadiisa uu u hayo dalkiisa.
Barashada wadaniyadu waxay abuuraysaa muwaadin ka qayb qaata abuurida ama xirfad aqooneed oo ku aadan ama saxaysa shaqada qof kastoo muwaadina si uu u shaqeeyo una kasbado magic iyo maamuus if iyo aduunba.

Side loo abuuri karaa aqoonta wadaniyada ku saabsan?

Waxaan marka koobaad ka doonaynaa diinteena waxay ka tidhi wadanka, dadka, xaqooda iyo masuuliyadooda ama waajibaadkooda guud ahaan iyo gaar ahaan qofkasta , waayo jacaylka dalkaaga waxa daliil u ah nabi muxamad (NNKHA) waa kii lahaa markuu maka ka baxay, “makaay kaamaan tageen hadaan layga kaa eryan”.
Tusaale : inaad xuquuqda dadka kale dhawrtaa waa mid laga baran karo diinta laakiin waa in dadka la barto.
Aqoonteeda waxa laga abuuri karaa oo kale in laga soo ururiyo dhaqankeenii fiicnaa siduu u ogaa dalkeena, gabayadii ragii hore gayiga ka tiriyeen, siday u wada noolaayeen, siday isu maamuli jireen, siday isu maamuusi jireen una kala dambayn jireen.

Barashadiisa xagee laga bilaabayaa?

Wadaniyada barashadeeda waxa laga bilaabayaa qoyska, xaafadaha , magaalooyinka, iyo dhamaan meel kasta amah awl kasta oo la wadaago. Intaas oo dhan ayaa u baahan laakiin waxaan bud dhig u noqonaya qoyska oo hadii aan aabuhu masuuliyadiisa ka soo bixin ilmaha aanu tarbiyada barin diinta barin, dalkoo dhan hagaagi mayo dalka dhisan waa qoysas dhisan ama inta badan la dhisay.

Qaybaha wadaniyada barashadeeda

Lasoco qaybaha dambe ee buugan
Qoraaga: Abdiqani Abdilahi Mohamed (waafi)
Waafi_11@hotmail.com

/